Bankiga Dhexe Ee Soomaaliya Oo Laamo Ka Furanaya Qeybo Ka Tirsan Dalka

0
181

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa la filayaa in mudo ka badan 25 sano kadib uu markii ugu horeeysay  laamo ka furto qeybo kamid maamul goboleedyada ka jira dalka, arintaa oo ay isku afgarteen madaxda wasaaradaha maaliyadda dowlad goboleedyada dalka iyo tan dowladda dhexe ee federaalka Soomaaliya.

Ibraahim Xasan Cabdi, wasiirka maaliyadda Jubaland ayaa sheegay in kulan magaalada Muqdisho ku dhexmaray wasaaradda maaliyadda dowladda Soomaaliya iyo wasaaradaha maaliyadda ee dowlad goboleedyada dalka looga hadlay arimo badan oo ku saabsan sidii loo wada shaqeyn lahaa.

Wasiirka ayaa sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda Maaliyadda ay isku afgarteen in bankiga dhexe ee Soomaaliya uu laamo ka furto dowlad goboleedyada dalka, arintaa oo uu sheegay in la isku afgartay dhawaanna laga hirgelin doono qeybo ka tirsan dalka.

Dhinaca kale, wasiirka ayaa sheegay in magaalada Kismaayo uu ka dhici doono wejiga labaad ee shirka dhexmari doona wasaaradda maaliyadda dowladda Soomaaliya iyo wasaaradaha maaliyadda dowlad goboleedyada dalka ka jira.