Britain Oo Ku Baaqday In Baaritaan Lagu Sameeyo Duqeymaha Sacuudiga Ka Wado Yemen

0
184

Dowladda Britain ayaa ku baaqday in baaritaan munaasib ah lagu sameeyo weerarada cirka ee Sacuudiga ka wado dalka deriska la ah ee Yemen, iyadoo weeraradan ay ku dhinteen dad fara badan oo Rayid ay ku jiraan.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain Philip Hammond ayaa sheegay inay muhiim tahay in baaritaan lagu sameeyo duqeymaha Sacuudiga ka wado Yemen, ee qeybta ka ah howl galka ka dhanka ah Mucaaradka Xuutiyiinta.

Mr Hammond oo u waramayay Barnaamijka BBC Newsnigth, isagoo ku sugan Washington ayaa sheegay inay joojinayaan hubka ay ka iibiyaan Sacuudiga, hadii ay ku xadgudbeen sharciga Caalamiga.

Hey’adda Oxfam ayaa sheegtay inay soo dhoweyneyso hadii Britain ay joojiso hubka ay ka iibiso Sacuudiga, inta uu socoto baaritaanada la xiriira inay dambiyo dagaal galeen.

Sacuudiga ayaa bilaabay weerarada cirka ah bishii March ee sanadkan, waxaana uu iska fogeeyay in duqeymahaas uu ku bartilmaameedsaday dad rayid ah.

Duqeymihii u dambeeyay ee Sacuudiga ka geystay ayaa la sheegay inay waxyeelo ka soo gaareen dad ka qaxayay colaadaha iyo goobo aroos ka socday.