Cabsi Xogan Oo Ka Tagaan Magaalada B/weyne iyo Wadooyin Muhiim ah Oo Xiran

0
249

Xaalad aad u cakiran ayaa ka taagan  magaalada baledweyne ee xarunta gobolka hiiraan kadib markii saaka mar kale guud ahaan wadooyinka ugu muhiimsana magalada Baledweyne ay xirteen maleeshiyo beeleedkii dhawaan ka gadooday dilkii loo geystay alaha u naxariiste Mahadi Shiiqaloow oo ahaa madaxii Hayada UNMAS Xafiiska Baledweyne.

Geesta kale Ciidamo aad u hubeysan oo taabacsan gudoomiyaha gobolka hiiraan ayaa iyagana gudaha magaalada Baledweyne ka bilaaway dhaqdhaqaq xoogan iyo is aruursi.

Magaalada B/weyne maanta ma jiro wax ganacsi ah oo furan cabsida shacabka ay qabaan ayaa aad usii kordheysa lamana oga halka xaalada ku dambeyn doonto in kasto dowlada somaliya ay indhaha ka qarsan haayso iney baajiso dhibaatada dhalan karta hadii ay sidaan sii ahaato.

Waxii Warar ah kala soco  Wararka Hiiraanweyn In Shaa allaah.