Ciidamada booliska Kenya oo Soomaali badan ku xiray magaalada Nairobi ee dalka Kenya

0
202

Booliska dalka Kenya ayaa su’aaalo weydiinaya 33 ruux oo ciidamada amaanka ku xireen magaalada Nairobi ee dalka Kenya talaadadii shalay, kadib markii baaritaano amaan ciidamada ka sameeyeen magaalada caasimada u ah dalkaasi.

Japheth Koome, taliyaha ciidamada booliska magaalada Nairobi ayaa sheegay in dadkaasi badankooda ay yihiin dad Soomaali ah kuwaasi oo aan heysan warqada ogolaanshaha joogitaanka dalka Kenya, sida uu sheegay.

Taliyaha ayaa sheegay in dadkaasi ay ka soo muuqan doonaan maxkamada magaalada Nairobi, isagoo intaasi raaciyay in seddex kamid ah dadka laga shakiyay ay u dhasheen dalka Sudan-ta koofureed.

“Haddii halkaan uu joogo qof qaxooti ah oo uusan heysan warqada ogolaanshaha waa dambiile, dadkaasi ha is diiwaan geliyaan sababtoo ah ciidamada ammaanka ma siinayaan wax fursad ah mar haddii ay qabtaan”ayuu yiri taliyaha.

Taliyaha ciidamada booliska Kenya wuxuu sheegay in la adkeeyay amaanka dalkaasi waxii ka dambeeyay weeraradii ka dhacay magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Todobaadkii hore ciidamada amaanka ee dalka Kenya ayaa qabtay sagaal ruux oo Ethiopian ah oo shaki dhanka amaanka laga qaaday.