Ciidamada Dalka Faransiiska Oo ka baxaya CAR

0
225

Wasiirka difaaca ee Faransiiska ayaa sheegay in ciidankooda ay ka soo baxayaa Jamhuuriyadda bartamaha Afrika, kaddib doorashada bisha soo socota dalkaasi ka dheceysa.

Jean-Yves Le Drian, ayaa tilmaamay in marka natiijada doorashada ay soo bnaxdo ay billaabaayaan ka soo bixidda.

Iyadoo rabshado ay dalkaasi ka soo cusbonaadeen, ayaa dowladda ku meelgaar ka ah waxa ay ku dhawaaqday doorashada mudada la sugaayay ee madaxweynaha iyo baarlamaanka la qaban doono 27ka December.

Waxaa la filaayaa in wareeg labaad oo doorashada ah la qabto bisha xigta ee January ee sanadka soo socda.

Faransiiska waxa ay doonayaa in kala bar ciidamadooda oo ah 900 in ay ka saaraan dalka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, sanadka soo socda.

Waxaa CAR ku sii nagaanaaya ciidamada Nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobeey oo ka sii shaqeynaaya xasilinta dalkaasi.

Ciidamada Faransiiska ayaa dalkaasi galay kaddib markii ay ka bilowdeen rabshado ku saabsan diin oo u dhexeeyay laba koox oo Muslimiin iyo Masiixiyiin kala ah.

Ciidamada Faransiiska oo lagu eedeeyay in ay geysteen xad gudub galmo iyo lugta ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah kooxda la baxday Khilaafada Islaamka ayaa la filayaa in ay ku kalliftay inay yareeyaan ciidamada ka jooga CAR.