Ciidamada Dowlada Iyo Kuwa AMISOM Oo Baaritaana Kawada Degmada Wadjir

0
185

Ciidamada Booliska Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Midawga Afrika ee AMISOM  ayaa Saaka Baaritaan ka wada  Xaafadda Siliga Ee Degmada Wadajir.

Baaritaanka ayaa ah mid lagu Xaqiijinayo Ammaanka Degmada iyo sidii looga hortagi lahaa Kooxaha Falalka Ammaan daro Degmada ka geeysat.

Dad goobjooge ayaa sheegay in Ciidamadda ay yihiin kuwo Dadka Baaritaan ku sameeynaya oo ku Amraya Ragga in ay Shaatiga kor u qaadaan.

Wali lama sheegin Dad lagu soo qab qabtay Baaritaanka Saaka ka soconaya Degmada Wadajir Ee Gobolka Banaadir.