Ciidamada Galmudug oo Gacanta ku dhigay Koox Burcad ah

0
215

Ciidamada Ammaanka Maamulka Galmudug ayaa Degaanka Godinlabe oo Qiyaastii 30 KM Koofur kaga beegan Degmada Cadaado Ee Gobolka Galgaduud waxaa ay maanta ka fuleyeen Howlgal lagula Dagaalamayo Koox Isbaaro dhigatay.

Ciidamada Mamaulka Galmudug  iyo Kooxdii Isbaarada dhigatay Duleedka Gadinlabe ayaa waxaa dhexmaray Iska hor imaad,waxaana isku dhacaasi ku Geeriyooday Hal Askari oo ka tirsan Ciidamada Ammaanka Galmudug.

Sidoo kale Ciidamada Maamulka Galmudug ee Howlgalka Fuliyay ayaa Gacanta ku soo dhigay 12 kamid ah Kooxdii Jidgooyada dhigatay,iyadoo la dhigay Xabsiga dhexe ee Degmada Cadaado.

Saraakiisha Ciidamada Maamulka Galmdug ayaa sheegay in ay sii wadayaan Howlgalka lagula Dagaalamayo Kooxaha Burcadka ah EE Isbaarooyinka dhigtay Degaanada Maamulka Galmudug.