Ciidamada Jubbaland oo Kismaayo ku qabtay Rag lala Xariirinayo Shabaab

0
206

Ciidanka Maamulka Jubbaland ayaa Howlgal ay ka sameeyeen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa ay ku soo qabteen Rag lala Xariirinayo Al-shabaab,Hub iyo sidoo kale Lacag Been abuur ah oo shilinka Soomaaligaa.

Sarakiil ka tirsan Ciidanka Jubbaland oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Dhowr Qof oo lala Xariirinayo in ay Shabaab la shaqeeyaan iyo Hub ay wateen Gacanta lagu dhigay.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa intaa ku daray in Gacanta Ciidamadu ay ku soo dhigeen Lacag Been abuur ah oo Shlinka Soomaaliga ah,taas oo la doonayay in Magaalada Falal Amaan daro looga geeysto.

Howlgalka Ciidamada Jubbaland ay ka fuliyeen Magaalada Kismaayo ayaa qeyb ka ah Baaritaano lagu Xaqiijinayo Amaanka Magaalada.