Ciidamada Liyuu Boolis Oo Lagu Eedeeyay Inay Dileen Dad Shacab Ah

0
183

Ciidamada Liyuu Boolis ee Ismaamulka Somalida dalka Ethiopia, ayaa lagu eedeeyay dad shacab ah inay ku dileen, deegaano ku dhaw xuduuda Galgaduud iyo Ismaamulka Somalida dalka Ethiopia ay wadaagaan.

Nabadoon ka soo jeeda Gobolka Galgaduud, ayaa sheegay ciidamada Liyuu Booliska inay dileen dad xoolo dhaqato ah, kuwaasi oo uu sheegay inay ku dileen deegaan lagu magacaabo Laga-hidda.

Dadkaan la sheegay ciidamada inay dileen ayaa waxa ay isugu jiraan Odayaal, Dhalinyaro haween iyo caruur, la sheegay reer guuraa inay ahaayeen.

Majirto ilo ka madaxbanaan Nabadoonada oo xaqiijinaya in ciidamada Liyuu Boolis ay laayeen dadkaan shacabka ah.

Inkastoo xaalada hada ay degan tahay hadana waxaa laga cabsi qabaa inuu dhaco dagaal, maadaama ehelada dadka la laayay ay wadaan sida la sheegay hub uruursi.

Ciidanka Liyuu Boolis iyo dad ka soo jeeda Gobolka Galgaduud horay ayeey ugu dagaalameen deegaano ku yaallo xuduuda.