Ciidamada Nabad Sugida Oo Al.shabaab Kula Dagaalamay Degaanka Lafoole

0
204

Dagaalameyaal ka tirsan Shabaab ayaa Xalay Weerar ku qaaday Degmada Lafoole ee Gobolka Shabellaha Hoose,gaar ahaan Xaruntii Shanta Golaha Sarre.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu sababay Khasaare iskugu jira Dhimasho iyo Dhawaac.

Goobta weerarka lagu qaaday ayaa waxaa ku sugan Ciidannkii horay u joogay oo ka Tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya.

Afhayeenka Gobalka Shabellaha Hoose Maxamed Xuseen Shiine oo Dagaalka markii uu soo dhamaaday ka dib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay Al-shabab in looga dilay Dagaalkii Xalay 6 Dagaalame  tiro kalana laga dhaawacay, waxana uu meesha ka saaray inay jiraan Khasaaro soo gaaray Ciidankii la weeraray.

Waxa uu intaa ku daray Afhayeenka Gobalka Shabellaha Hoose inay jiraan Dhaawac soo garay dadka shacab ah oo ka agdhawaa mesha uu Dagaalku ka dhacay.

Al-shabaab wali kama hadlin  Dagaalka ka dhacay Degaanka Lafoole ee Gobolka Shabellaha Hoose iyo Wararka sheegaya in Lix Dagaalame oo Shabaab ah  Lafoole lagu dilay.