Ciidan Itoobiyaan Ah Oo Gudaha Kenya Ku Dilay Saddex Askari Oo Ka Tirsanaa Booliiska Kenya

0
187

Ciidammo Itoobiyaan ah ayaa la sheegay inay dileen Saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada booliiska Kenya, kaddib markii ay ka soo gudbeen soohdinta dhanka Waqooyi ee Kenya ay kala wadaagto dalka Itoobiya.

Ku-simaha Taliyaha booliiska Gobolka Marsabit oo lagu magacaabo, Mark Wanjala ayaa xaqiijiyay dhimashada askartaan oo uu xusay inay ka tirsanaayeen ciidammo booliis ah oo illaalo ka haayay aaggaas xilligii weerarka gaadmo ah lagu qaaday.

Saraakiisha la dilay ayaa la sheegay inay ku sugnaayeen deegaanka Sololo oo is-maamulka Marsabit ee dalka Kenya ka tirsan, iyadoo Shan Askari oo kalana la cadeeyay in la la’yahay halka ay ku dambeyeen weerarkaas kaddib.

Ciidamada Itoobiya ee dilka geystay ayaa iyagana la sheegay inay baadi-goobayeen xubno ka tirsan jabhada xoreynta Oromada ee magaceeda loosoo gaabiyo OLF (Oromo Liberation Front), kuwaas oo lagu eedeyay in Khamiistii lasoo dhaafay ay gudaha waddanka Itoobiya ku dileen nin madax ah oo ka tirsanaa Ciidamada Itoobiya.

Xilligii dilku dhacayay ayaa booliiska Deegaanka waxay ku eedeyeen Ciidamada Itoobiya inay hareereyeen tuulada Sololo, iyagoo uga shakiyeen inay ku sugnaayeen Rag hubeysan oo ka tirsan ururka OLF, balse dadka deegaanku ay ugu yeereen booliiska dalka Kenya si ay tuuladaas uga saaraan ciidamada Itoobiya.

Dhanka kale, xiisad kacsanaan ah oo la xiriirtay dilka iyo soo galintaanka ciidanka Itoobiya ee gudaha Dalka Kenya ayaa maanta laga dareemayay Deegaankaas oo ku yaalla dulleedka dhow magaalada Moyaale oo ah xuduuda kala barto dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Bishii May ee sannadkan ayey aheyd markii sidaan oo kale ay ciidamada Itoobiya gudaha u soo galeen Kenya, iyagoona howl-galo ka sameyay isla Tuulada ay maanta askartaan ku toogteen oo ku taallo meel u dhow soohdinta kala barto labada Wadan.