Ciidanka Itoobiya oo la Wareegay Xarumihii Dowladda Ee Degmada Garbahaareey

0
172

Wararka laga helayo Magaalada Garabahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Saaka Ciidamo ka tirsan Dowladda Itoobiya in ay la Wareegeen Xarumihii Dowladda Ee ku yaall Magaalada Garbahaareey.

Sababta ka danbeysa ayaan la ogeyn,iyadoo Wararka qaar ay sheegayaan in Ciidamada Itoobiya ay diidan yihiin in Maamulkii hore ee Gobolka Gedo ay ku shaqeeyaan xarumaha Dowladda Ee Degmada ku yaalla.

Dadka ku nool Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa Cabasho ka muujiyay la Wareegida Ciidamada Itoobiya Xarumaha Dowladda Ee Degmadaasi ku yaalla.

Gobolka Gedo Ee Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan Muran dhanka Maamulka ah,iyadoo Maamulkii hore ee Gobolka Gedo uu lahaa iyo Maamul uu Gobolka u soo Magacaabay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ay isku haystaan Mamaulka Gobolka.