C,R,7 Oo Yiri Waxaan ahay laacibka dunida ugu wanaagsan

0
215

Cristiano Ronaldo ayaa sheegay inuu yahay laacibka kubbadda cagta ee adduunka ugu wanaagsan, lana barbardhigi karo ciyaartoydii taariikhda kubbadda cagta ugu fiicnaa.

Waraysi uu siiyay BBC sports, weeraryahanka Real Madrid waxaa uu sheegay inuu gaaray heer aanay sahlnayn in la dhaafo.Ninkan reer Portugal oo 30 jir ah waxaa uu saddex jeer ku guulaystay laacibka sanadka kubbadda cagta ugu fiican adduunka, waxaana uu goolasha ugu badan taariikhda u dhaliyay Real Madrid.

“Uma baahni inaan iraahdo waxaan ku jiraa taariikhda kubbadda cagta ee waxaan ahay taariikh. Tirada goolasha aan dhaliyay ayaa wax walba kuu sheegasya.” Ronaldo oo la weydiiyay in lala barardhigi karo weeraryahanka u dhashay Argentina balse u ciyaara Barcelona afar jeerna ku guuleystey ciyaaryahanka ugu wanaagsan dunida oo dhaliyay 418 gool 492 kulan oo uu saftay.

Waxa uu ku jawaabay: “Waa aragti uun, waan tixgeliyaa aragtiyada, laga yaabee in aragtidaada ay tahay in Messi uu uga wanaagsan yahay, laakin aniga maskaxdeyda waan ka wanaagsanay Messi, waa arrin sahlan.”

Ronaldo ayaa wax laga weydiiyay sida uu u arko kooxda Man United iyo in laga yaabo in uu dib ugu laabto. Weeraryahanka kooxda Real Madrid ayaa sheegay in uu rajo ka qabo in kooxda Man United uu isbedel ku yimaado waxana uu sheegay in uusan mustaqbalka ka hadli karin balse uu haatan kula jiro heshiis kooxda Madrid.

Ronaldo oo Real Madrid ay Manchester United uga soo iibsatay £80 milyan oo geniga Ingiriiska ah sanadkii 2009-kii, ayaa sheegay inuu ciyaarta ka gaaray heer aan la rumaysan karin siddeeddi sano ee la soo dhaafay, uuna doonayo inuu sii ciyaaro shanta ama lixda sano ee soo socda.