Culimada Puntland Oo Baaq u Diray Guud Ahaan Bulshada Puntland

0
197

Calimada Puntland ayaa baaq kasoo saaray duufaana ku dhuftay qaybo ka mid ah Gobolada Bari & Gardafuu, waxaana ay codsadeen in loo gurmado dadka Puntland ee saamaynta ay ku yeelatay.

Shiikh Daahir Aw Cabdi ayaa gacatada ugu baaqay in lacagta la bixiyo, waxaana uu yiri ”Waxaan hubaa inaan isku filanahay waxaana ilaahay na faray inaan isku gargaarno hadii ana dhaqalahena bixino waa ku filanahay gurmadka aan u samaynayo walaalheena ay samaaysay duufaantu”.

Shiikh Daahir ayaa sheegay in Dawladda Puntland laga rabo inay samayso gurmad ayna ugu horayso bixinta kharashka & ugurmadka dadka reer Puntland ee ay saamaysay duufaantu.

Dhamman dadka Puntland ayuu ugu baaqay in laga wada qaybgalo, isagoona sheegay in gurmadka la sameeyo ilaahay loogu dhawaanayo.

Shiikh Daahir ayaa ugu dambayntii ilaahay ka baryay inuusan duufaan dambe ka dhicin Gobolada Dalka.