{DAAWO SAWIRADA} 24 sano ka dib oo la furay Safaaraddii Somaliya ee Magaalada Washington

0
194

Waxaa xalay dib loo furay Safaaraddii Somaliya ku laheyd Magaalada Washington Ee Xarunta Mareykanka, ka gadaal muddo 24 sano ah, oo aanay shaqaynin Safaaradaasi.

Safiirka Somaliya ee u fadhiya dalka Mareykanka, Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay dib u furitaanka Safaaradda, ka dib muddo 24 sano ka badan oo Safaaraddu ay xirneyd.

Safiirka, ayaa waxa uu sheegay in tani ay qayb ka tahay horumarada ay xilligan ku tallaabsaneyso Somaliya, oo wajaheysay xaalad cakiran oo ka dhalatay dagaaladii sokeeye.

Dad Somaliyeed oo jecel wanaagga, ayuu sheegay in ay gacan ka gaysteen dib u furitaanka Safaaradan, oo xoojineysa xiriirka Somaliya iyo Mareykanka, sida uu yiri.

Safiirka oo la hadlay warbaahinta, ayaa Safaaradda ku macneeyay mid ciwaan ah oo lagala soo xiriiro arrimaha taagan, ayna fududaynayso xiriir iskaashi ku dhisan oo labada dal dhex mara.

Tani, ayaa la rajeynayaa in albaab cusub u furto xiriirka Somaliya iyo Mareykanka, oo gaabis xoogan uu ku yimid, tan iyo markii ay burburtay Dowladdii Dhexe Somaliya.

Sanadihii ugu dambeeyay, ayay Somaliya dadaal ugu jirtay sidii ay u soo celin laheyd Safaaradaheeda Wadamada Caalamka, oo saamayn uu ku yeeshay waqtigii adkaa ee Somaliya.

SafaaradSafaarad1Safaarad2Safaarad3