{DAAWO SAWIRADA} Boqolaal qof oo ka qeybqaatay Aaska Marxuum Axmed Xasan Cawke

0
182

Waxaa Magaalada Wajaale lagu aasay allaha u naxariistee Wariye Axmed Xasan Cawke oo aroornimadii hore ee saakay ku geeriyooday Magaalada Jigjiga.

Aaska marxuumka ayaa waxaa ka qeybgalay Masuuliyiin ka kala tirsan Maamulka Somaliland iyo DDSI, waxaana goobta aaska ku sugnaa Wariyayaal aad u farabadnaa.

Inta aan lasoo gabagabeyn Aaska ayaa waxaa qabriga dushiisha kalimado kooban ka jeediyay Culimo, Masuuliyiin kuwaasi oo u duco dalbaayay Marxuumka.

Marxuumka ayaa horay uga soo shaqeeyay Radio Muqdisho, BBC, VOA iyo Telefishinka Universal.