{DAAWO SAWIRADA} Ciidamada Amisom oo ka farxiyay shacabka ku dhaqan Degmada Diinsoor

0
259

Saraakiisha Ciidamada Amisom ee ka howlgasha Degmada Diinsoor ee gobolka Bay, ayaa deeq raashiin ah gaarsiiyay shacabka dhiban ee ku nool degmadaasi.

Saraakiisha deeqda bixisay ayaa waxaa horkacaayay Gen. Nakibus Lakara oo ah Abaanduule-xigeenka ciidamada AMISOM iyo Saraakiil kale oo isaga ku wehlineysay gargaarkaasi.

Raashiinka ayaa waxaa la gaarsiiyay ilaa dhowr qoys oo la orankaro baahiyo gaar ah ayay u qabeen Deeqda raashiinka ah.

Deeqda ayaa waxaa kamid ahaa Bur, Sonkor, Bariis, Saliid iyo bustooyin dhaxanta laga galo.