{DAAWO SAWIRADA} Daacish oo soo bandhigtay Bambaanadii ay kusoo riday Diyaaradii Ruushka laga lahaa

0
209

Kooxda Daacish ayaa markii ugu horeesay waxa ay shaacisay bambaanadii ay u adeegsadeen in lagu qarxiyo diyaaradii laga lahaa Dalka Ruushka 31kii bishii tagtay ee Oktoober kusoo dhacday gobalka Siinaay ee dalka Masar.

Daacish ayaa soo bandhigtay gasacad yar oo waxyaabaha qarxa lagu xiray taa oo la saaray diyaaradii ka duushay Magaalada Sharma Sheekh kuna sii jeeday Dalka Ruushka, waxa ayna kooxdu sheegtay in arintooda u sahashay Nidaam xumada ka jirta Garoonka Diyaaradaha Sharma Sheikh.

Diyaaradii Ruushka laga lahaa ee ku dhacday Dalka Masar waxaa saarnaa dad gaarayay 224-qof kuwaa oo dhamaantod geeriyooday, waxaana masuuliyada qaraxaasi lagu bur buriyay diyaarada horey u sheegtay Kooxda Daacish.