{DAAWO SAWIRADA} Dabley Hubeysan Oo 170 Ruux ku Qafaashay Hotel Ku Yaal Dalka Mali

0
192

Dabley hubeysan ayaa goor dhow weerar ku qaaday Hotel caan ah oo ku yaala magaalada Bamako ee caasimada Mali, iyagoo afduub u qabsaday dad badan oo gudaha Hotelka ku jiray, kuwaasoo gaarayay illaa 170 ruux

Ugu yaraan saddex ruux ayaa illaa iyo hada la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarka, waxaana la sheegay in dableyda inay ku soo xirteen 170 ruux oo hotelka gudihiis ku jiray, waxaana gudaha Hotelka laga maqlayay rasaas xoogan.

Dableyda hubeysan ayaa rasaas ridayay, iyagoo ku qeylinaya “Allaahu Akbar” sida ay dad goob joogayaal ay u xaqiijiyeen wakaaladaha wararka.

140 ka mid ah dadka la afduubtay ayaa u badan martida hotelka oo dhowr dal u kala gashay, halka 30-ka kalena ay yihiin shaqaalaha Hotelka.

Dableyda ayaa la sheegay inay gaarayaan ilaa toban ruux, waxaana sababaha ay ugu suurta gashay inay hotelka galaan la sheegay, iyagoo watay gaari kuwa Diblomaasiyiinta ah.

Ciidamada Mali ayaa hareereeyay Hotelka iyo Ciidamada ka socda Qaramada Midoobey ee ku sugan dalkaas.
Waxaa la sheegayaa in dadka la afduubtay ku jiraan muwaadiniin u dhashay dalalka Shiinaha, Turkiga, Faransiiska iyo kuwa kale.

Sidoo kale Ciidamada hareeyeeyay waxaa ku jira Milateriga Faransiiska, waxaana wasiir u hadlay Mali uu sheegay in ciidamada ay isku dayayaan inay gudaha Hotelka galaan, si ay u soo furtaan dadka afduubka loo heysto.

Turkiga ayaa xaqiijiyay lix ka mid ah shaqaalaha Turkish Airlines ay ku jiraan dadka lagu heysto hotelka.
Dableyda ayaa waxay sii daayeen tiro dad ah oo la sheegay inay quraanka akhriyeen.

Bishii Agosto illaa 13 ruux ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday Hotel ku yaala bartamaha Caasimada Bamako, waxaana dadka la dilay ku jiray shan ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobey.

Mali ayaa waxaa horay u gumeystay dalka Faransiiska, waxaana sanadkii 2013 Ciidamada Faransiiska ay fara geliyeen dalkaas, markii kooxo Islaamiyiin xiriir la lahaa Al-Qaacida ay la wareegeen qeybo ka mid ah dalka Mali.

Dabley.1jpg Dabley.2jpg Dabley.3jpg Dabley.4jpg Dabley