{DAAWO SAWIRADA} Dad lagu tuhmayo Weerarkii Paris oo la qabtay iyo Ciidamada Belgium oo Feejignana ku jira

0
267

Howlgal ay xalay Ciidamada booliiska Dalka Belgium ka sameeyeen Magaalooyinka Brussels iyo Charleroi, ayaa lagu qabtay xubno lagu tihmayo in ay ku lug lahaayeen Weeraradi dhawaan ka dhacay Magaalada Paris ee Caasimada Faransiiska.

Dadka ay Ciidamada amaanka xireen ayaa gaaraya 16-qof , waxaana lagu tuhmayaa in ay wax ka maleegeen Weeraradii ka dhacay Magaalada Paris, Laamaha dambi baarista ayaana dadkan ku wada baaritaano lagu ogaanayo waxa ay yihiin.

Xubnahan la tuhmayo ee la xiray ayaa waxaan ku jirin ninka Sida weyn loo baadi goobayo Salax Cabdilsalam, oo isagu qeyb lixaadle la sheegay in uu ka qaatay weeraradii ka dhacay Magaalada Paris , waxaa weerarkaasi dadkii geestay kamid ahaa Salax Walaalkiis .

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha Belgium ,Charles Michel, ayaa shaaciyay in heerka feejignaanta ee magaalada Brussels uu sii ahaan doono mid aad u sarreeya, ayadoo sababtuna tahay khatar aan la dhayalsan karin oo wali jirta.

Mr Michel wuxuu sheegay in iskuullada iyo tareennada dhulka hoos mara ee Magaalada Brussels ay xirnaan doonaan maanta oo Isniin ah, ayadoo heerka feejignaantuna uu sii ahaan doono heerka ugu sarreeya.

Dowlada Belgiumka ayaa ka cabsi qabta in weeraro lamid ah kuwii ka dhacay Dalka Faransiiska ay ka dhacaan Magaalooyin kuyaala dalkaasi oo la sheegay in ay joogaan xubno hubeesan, waxaana wali xiran goobaha waxbarashada iyo goobo kale oo muhiim ah.

Magaalooyinka waa weyn ee Dalka Belgium ayaa waxaa lagu soo daadiyay ciidamo aad u feejigan hub kala duwana wata ,kuwaa oo loogu tala galay in ay ka hortagaan hadii ay dhacaan weeraro ay geestaan kooxo argagaxiso ah.