{DAAWO SAWIRADA} David Beckham oo booqday Xero qaxooti ku taal Jabuuti

0
195

Xidigii hore ee Xulka England David Beckham ayaa booqday xero qaxooti ku taal dalka Jabuuti, halkaasoo ay ku barakaceen illaa 10-kun oo ruux.

Beckhan ayaa intii uu ku guda jiray booqashada xeradaas ku arkay waxyaabo qashuuc geliyay qalbigiisa, gaar ahaan caruur yar yar ee ku dhibaateysan gudaha xerada.

Waxaa uu sheegay in caruurtii uu la kulmay iyo eheladooda ee ku nool xerada qaxootiga ee Cali Cadde ay moraal-dilaacisay qalbigiisa.

Beckhan ayaa hada wakiil ama ergey ka ah Hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan dhalaanka ee UNICEF, waxaana uu door ka qaadanayaa mashruuc dhaqaale loogu uruurinayo dhalaanka.

“Waa wax laga argagaxo in aad aragto nolosha caruurta ay dhinaca kale rogeen natiijada rabshadaha, waxayna igu noqotay qalbi jab in aan arko carruur ku nool duruufaha sidan u qalafsan”ayuu yiri Beckham.

Xerada uu booqday ayaa waxaa ku nool qoysas ka soo qaxay colaadaha sida dalalka Eritrea, Soomaaliya, iyo Itoobiya.

“Dhamaan caruurtaas wax dhib ah kuma qabaan halka ay ku nool yihiin, balse waxay mudan yihiin inay helaan fursad nolol cadaalad ah”ayuu yiri Beckham

Beckham ayaa sheegay in markii u horeysay ay tahay ee uu booqdo xero qaxooti, isla markaana uu ku soo arkay xaalada nololeed ee caruur dhibaateysan oo ka soo qaxay colaad.

beckham (1)beckham (2)beckham (3)