{DAAWO SAWIRADA} Dhibaatada ka taagan Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhaxe

0
266

Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhaxe waxaa xiligan ka taagan dhibaato xoogan oo ay sababeen roobab halkaasi ka da’ay iyo Wabigga Shabeele oo ku fatahay qeybo kamid ah Degmadaasi.

Guryihii kuyaalay Degmada Mahadaay ayaa waxaa galay biyo badan ay dhigeen roobab halkaasi ka da’ay, waxaa sidoo kale lagu soo waramayaa in Wabiga Degmadaasi dhax mara uu isna buux dhaafay uuna fatahaad sameeyay.

Dadkii ku dhaqnaa Degmada Mahadaay ayaa qaar badan oo kamid ah ay isaga qaxeen halkaasi kadib markii guryihii ay ku noolaayeen ay biyo badan ugusoo galeen, waxaana laga sii cabsi qaba in Wabiga uu sameeyo Fatahaad hor leh.

Ma jiro ilaa hada wax caawinaad ah oo la gaarsiiyay dadka ay saameesay roobabka iyo Fatahaada Biyaha ee ka taagan Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana dhawaan Degmadaasi booqday soona arkay dhibka ka jira Gudoomiyaha Gobolka Sh/Dhaxe Cali Guudlaawe.