{Daawo Sawirada} Dhibaatada lagu qabo Qaadiidka Xamuulka qaada ee Isticmaala Wadooyinka Muqdisho !!

0
457
?????????????

Tan iyo markii ay meesha ka baxday xukuumadii dhexe ee Soomaaliya islamarkaana uu dalku galay xaalado kala duwan sida bubur ,xakameyn la.aan ,dib u soo kabasho, kufaa kicid, jahwareer, iyo xaalado kale oo dhamaantoodba qofkii aan horay u arag ay ku noqonayaan hal xiraalayaal cusub iyo amakaag.

Waxyaabaha layaabka leh ee dalka ka jira gaar ahaan magaalo madaxda Muqdisho waxaa ka mid ah gaadiidka oo isugu jira noocyo kala duwan leh sida kuwo duqoobay, kuwo cusub, kuwo waaweyn, kuwo yar yar,iyo gaadiidka loo yaqaano Bajaajka.

Intaas oo kaliye maahan wadooyinka magalada Muqdisho waxaad ku arkeysaa gaadiid kale ay ka mid yihiin Mootooyinka loo yaqaano dhug dhugleyda , Gaari dameerada iyo Gaari Gacmeedyo kuwaas oo dhamaantoodba u siman maritaanka wadooyinka magalada Muqdisho siiba wadooyinka ka baxsan kuwa faras magalada ah tusaale wadda iskuxirta Dekadda Muqdisho ilaa kiilo mitir Afar ,wadada isku xidha Ceel gaabta ilaa Afisyooni, Wadada iskuxidha isgoyska dabka iyo isgoyska wadnaha (Suuqa Bakaaraha) Wadada iskuxidha Maka Almularama iyo (Taleex)

Wadooyinkaas aan kor kusoo sheegnay ayaa ah inta badan kuwa ay mashquuliyeen gaadiid waaweyn oo sida badeecooyin culus sida Saliida cuntada oo fuustooyin ku jirta qalabka dhismaha sida Looxaan, Laamiyeeri, Shamiito, biraha shubka iyo rinjiga loo adeegsado dhismaha guryaha sidoo kale gaadiid sida raashin kala duwan oo ka mid tahay Sokor. Bur. Bariis Baasto.

Waxaan kaloo mesha ka marneen Gaadiid kaloo culus oo sida dalaga wadanka kasoo baxa sida liimon dhanaanka, Sisinta, mooska, Cambaha ,Bombeelmada iyo wixiii soo raaco kuwas oo iyagana kamid ah gaadiidka aan kor kusoo sheegnay.

Akhristow layaabkii iigu weynaa wuxuu ahaa galab ka mid ah galbaha ayaan waxan ku soo lugeeyay wada taleex ee degmaa Hodan ee magalada Muqdisho waxaan wadadaas kula kulmay kolonyo Gaadiid ah oo isjiid ah

Gaadiidkaas inkastoo shiraac cas lagu wada daboolay badeecada ay sidaan aysan aheyn mid muuqata hadana waxaan dareemayaa in ay aheyd liinta loo yaqaano liimo dhanaanta taasoo intuu gaariga qaadayay labo mitir kor loo dhaafiyay.

Wadadu waa wadadii aad garaneysaan oo waxay isugu jirtaa dalcad.dhul siman.laami burbursan,iyo dadkoo ku badan meesha sidoo kale wadada waxaa ku socday Gaadiid kale oo aad u fara badan taasoo mararka qaar sababeysay in socodka gaadiidku marar badan hakad uu galo waxaa wax walbo igala yaab badanaa ereyo ay ubad naayeen dad ka hareeraha wada ku socda ama fadhiya biibi tooyinka galbihii laga shaaheeyo kuwaas oo dhamantooda sare u eegayay gaadiidkan kolonyada ah hadaaqa dadka ayaa waxaa kamid ahaa ALOW NAGUDBI GAARIGAAN YOO NAGU SOO GADDOOMIN.

Qaar kalaa lahaa armuu fiilada gooyaa oo korontadu na waxyeeleysaa halka kaar kalena baqo darteed ay jid cadayaasha kaleexanayeen.

Intuba waa gartood oo waxaa la arkay gaari inta si xad dhaaf ah loo soo raray wadadaas ku qalibmay, Mid baalo jiiroo korontadii dabeysneyd dhulka soo daadiyo mid soo xera taraaroo goob ay dad fadhiyaan ama ganacsi ah gudaha u gala arimahaas dhamaantood waa kuwa keenay in qof walbo ay tiraahdo ALOW GAARIGAAN NAGA GUDBI YOW NAGU SOO GADOOMINE.

Arintaan darteed ayaa waxay igu kaliftay inaan qalinka iyo xaashida isku saaro si baraarujin ugu noqoto wadayaasha oo laga yaabo qaarkood qibradooda darwalnimo aad u yar dartood iyo wadooyinka magalada intooda badan oo ah kuwo aan dayactirneen iyo xamuulka saa’idka ah oo ay sidaan iyo waxa uu Sababi karo .

Waxaa wanaagsan in la ilaaliyo shuruucda wadooyinka Aqoonta looga baahan yahay wadayasha oo ah inta uu sharcigu ogol yahay xamuulku uu qaadi karo gaariga iyo ugu dambeys xiliga uu wadada ku socon karo.

Markaan dib u eegno xiligii uu shaqeynayay sharcigii wadooyinka ee xukuumadii dhexe ee somaaliya waxaa jiray qodobo badan oo sharciga xaaraantinimeynayay kuwaasoo maanta labaneystay islamarkaasna aan la ilaalinin qeynuunka wadooyinka dalka iyadoo qof walbo uu siduu doono ugu dhaqmo sharciga .

Ugu dameyntii hadii aan dib loogu noqon shuruucdii wadooyinka waxa qatar ah gaadiidka sida xad dhaafka ah loo raro in ay keeni doonto khasaare naf iyo maalba leh isukusoo wada duuboo ALOW GAARIGAAN NAGUDBI YOW NAGUS OO GADOOMINE