{DAAWO SAWIRADA} “Dowlad goboleedka Galmudug Oo Maamul Cusub U magacaabay Degmada Caabudwaaq ee gobolka galgaduud

0
225

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Cabdi iyo wafdi Wasiiro iyo Xildhibaano ah oo uu hogaaminayay oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud ayaa maanta degmadaasi u sameeyay maamul cusub oo degmadaasi ay yeelan doonto.


Liiska xubnaha maamulka cusub oo Saxaafadda lasoo gaarsiiyay ayaa waxa uu qornaa sida hoose


Mahad Cumar Cilmi guddoomiyaha degmada Caabudwaaq
Muxudiin Cabdi Geelle, ku xigeenka guddoomiyaha degmada
Cabdikaafi Sheekh Cali, xoghayaha dowladaha hoose
Cabdulle Cartan Aadan, madaxa waaxda amniga iyo siyaasadda
Yuusuf Maxamed Axmed, Madaxa waaxda arrimaha bulshada ee degmada
Axmed C/qaadir Aadan, Madaxa waaxda maaliyadda
Ibraahim Faarax Cabdulle, Madaxa garsoorka maamulka
Guurow Xaashi, talyaha Nabad sugidda
C/kaafi Muuse Yuusuf, ku xigeenka dowladaha hoose
Cabdi Cabdiraxmaan, ku xigeenka waaxda amniga iyo siyaasadda degmada
Cali Maxamed Nuurre, ku xigeenka waaxda arrimaha bulshada
Cabdirisaaq Diiriye ku xigeenka maaliyadda
Sayid Maxamuud, ku xigeenka garsoorka
Cabdiweli Xirsi, Taliyaha nabad sugidda ku xigeenkiisa
Taliyaha Booliska magacaabistiisa dib ayaa loo dhigay, si looga tashaday.

Maamulkani waxaa lagu sheegay inuu yahay KMG, isla markaana ay shaqeyn doonaan 90 cisho ama seddex bil.