{DAAWO SAWIRADA} Dowlada Faransiiska oo Weerar Aargudasho ah ku qaaday Kooxda Daacish

0
186

Diyaaradaha Dagaalka Dowlada Faransiiska ayaa duqeyn culus waxa ay ku qaadeen Saldhigyo ay Kooxda Islaamiga Daacish ku leeyihiin Magaalada Raqqa oo ah xarunta ugu weyn ee kooxdaasi kaga sugan tahay Dalka Siiriya.

Diyaaradaha Dagaalka Faransiiska oo ka duulay saldhigyo Ciidan oo kuyaala Dalalka Isu taga Imaaraadka Carabta iyo Urdun, ayaa duqeyn culus ka geestay saacadihii lasoo dhaafay xarumo ay kooxda Daacish ku leedahay Raqqa.

Duqeynta ay Diyaaradaha Dagaalka Faransiiska geesteen ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday xarumo ay dadka ku tababaraan Kooxda Islaamiga ee Daacish iyo goobo kale ay hub iyo saanado ugu xareesanaayeen.

Weerarkan ay qaadeen Diyaaradaha Dagaalka Faransiiska ayaa qasaro kasoo gaartay xubno katirsan Kooxda Daacish iyo dad Shacab ah, walina si rasmi ah looma oga qasaaraha ay reebeen Duqentaasi dhacday.

Duqeyntan ay Geesteen Diyaaradaha Faransiiska ayaa u muuqda mid loogu aargudayo dadkii tirada badnaa ee dhawaan Xubno katirsan Kooxda Daacish ku laayeen qeybo kamid ah Magaalada Paris ee xarunta Dalka Faransiiska.