{DAAWO SAWIRADA} Dowlada Soomaaliya Iyo Qaramada Midoobay Oo ka Wada Hadley Askareynta Carruurta

0
219

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini oo kulan la qaatay u qeyb sanaha Xog-hayaha guud ee QM Arrimaha Xuququl insaanka Ivan simonovic ayaa ka wada hadlay ka hortaga Askareynta iyo u adeegsiga xaaladdaha dagaalka caruurta aan weli qaan gaari. Waxana uu Wasiirka uu sheegay in dawladda Soomaaliya ay mar walba dhowrayso heshiiskii horey ay ula gashay UNICEF ee dhigayay in aan la askareyn caruurta da’doodu ka yar tahay 18.

Mudane Diini ayaa tilmaamay in Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed la baro dhowrista xuquuqda aadanaha waqtiyada dagaalka iyo marka ay jirto xaalad caadi ah. Wuxuuna hoosta ka xariiqay in muddooyinkii la soo dhaafay qeybaha kala duwan ee Ciidamadda tababarada ay baranayeen ugu horeysay la dhaqanka bulshada iyo dhowrista xaquuqal Insaanka.

“Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa la baraa shuruucda kala duwan ee dhowridda xaquuqal insaanka, gaar ahaan waqtiyada dagaalka sidaa la socotaan Soomaaliya waxaa ka socda qeybo kamid ah dagaallo u dhexeeya dawladda iyo cadowga Al-shabaab oo adeeggsanaya caruur da’yar waana taa midda aan mar walba ku dhiiri gelino askarteena in ay ilaaliyaan xaquuqda dadka lagu qabto dagaalka”

U- qeyb sanaha Xog-hayaha guud ee QM Arrimaha Xuququl insaanka Ivan simonovic ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Gaashaandhigga dhowrista xaquuqal Insaanka. Wuxuna tilmaamay in Soomaaliya ay ka soo gudbeyso waqtigii lagu tilmaami jirey mid kamid ah dalalka ugu xad gudubka badan Xaquuqal Insaanka Caalamka.

Kulanka Wasiirku la qaatay Wafdiga Q/Midoobey ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Haweenka iyo Marwo Sahra Cali Samatar iyo Wasiirka Caddaaladda Cabdullaahi Axmad Jaamac Ilka-jiir.

Kulan 1 Kulan 2 Kulan