{DAAWO SAWIRADA} Ganacsata Soomaaliyed Oo Lagu Dhaawacay Dalka Koonfur Afrika

0
306

Dalka Koonfur Afrika ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa kusoo batay Weerarada loo geesto Ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool Dalkaasi, waxaana Weeraro maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay dalkaasi lagu dilay ganacsato Soomaaliyeed halka kuwa kalana lagu dhaawacay.

Waxaa maalintii shalay burcad hubeesan ay weerar ku qaadeen Goob ganacsi ay lahayaeen Dad Soomaaliyeed oo kuyaala Deegaanka Hartifil oo katirsan Magaalada Pretoria ee Caasimada Dalka Koonfur Afrika.

Weerarka lagu qaaday Goobta ganacsi ayaa lagu dhaawacay Sadax Nin oo Soomaali ah oo ku sugnaa Dukaanka la weeraray, waxaana mid kamid ah raga la dhaawacay lagu dhuftay Xabad halka kuwa kalana lagu dhaawacay midiyo .

Soomaalida kunool Magalaooyinka kuyaala Dalka Koonfur Afrika ayaa xiliyadan oo kale sanadka dhamaadkiisa waxaa lasoo darsa cabsi ku aadan kororka weerarada iyo fal damibiyeedka dalkaasi ka dhaca .

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa siyaabo kala duwan Magaalooyin kuyaala Dalka Koonfur Afrika waxaa loogu dilay dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu weeraray goobahooda ganacsi , mana jiraan tilabaooyin muuqda oo ciidamada amaanka ka qabteen dhibaatooyika lagu hayo ganacsatada Soomaaliyeed.