{DAAWO SAWIRADA} Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir oo maanta qaaday Tilaabo Bukaano badan ka farxisay

0
306

Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale, ay wehliyaan xubno katirsan Maamulka Gobolka, ayaa maanta kormeeray isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho iyo xubnaha la socday ayaa tagay qolalka ay ku jiraan dhaawacyadii dhawaan wax ku noqday Weerarkii lagu qaaday Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho, waxa ayna masuuliyiintan u kuurgaleen xaalada bukaanadaasi.

Gudoomiyaha Gobolka ayaa lacag shilin Soomaali ah u qeybiyay dadkii wax ku noqday Weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Saxafi, waxa uuna dadkaasi u rajeeyay in ay helaan caafimaad deg deg ah ayna ka bogtaan dhaawacyada soo gaaray.

Kormeerka uu maanta Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir uu ku tagay Isbitaalka Madiina ayaa farxad galisay bukaano badan oo isbitalakaasi jiifay, waxa uuna deeq lacag ah gaarsiiyay bukaano qaarkood aan awoodin in ay helaan waxii ay cuni lahaayeen.