{DAAWO SAWIRADA} Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Si Adag Uga Hadlay Xirnashaha Wadooynka Muqdisho

0
165

Munaasabad lagu soo dhoweynayay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta ka dhacday Hotelka City Palace, iyadoo munaasabada ay ka qeyb galeen, waxgarad, siyaasiyiin, xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Munaasabadan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Waxgaradka iyo dhaqanka Beesha Muddullood, waxaana khudbado ka jeediyay siyaasiyiin caan ah oo xilal soo qabtay iyo odayaal dhaqameedyo.

Ra’iisul Wasaarayaashi hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi iyo Nuur Cadde oo munaasabada ka hadlay ayaa soo dhoweeyay Guddoomiyaha cusub, iyagoo u rajeeyay inuu xilkiisa alle ula garab-galo.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay inuu shacabka dhex geli doono, isla markaana xafiiskiisa ku shaqeyn doono, isagoo xusay inuu bulshada la tashan doono.

“Bulshada xamar degan waa la tashan doonaa, waana dhex imaan doonaa, wax walba aan qabanayo bulshada ayaa ka tala gelin doonaa, dhamaan wadooyinka xiran ee caasimada waa furi doonaa”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Munaasabadan ayaa ah tii u horeysay ee lagu soo dhoweynayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee ka dhacda magaalada Muqdisho, iyadoo ku soo beegmeyso todobaad kadib markii uu xilka si rasmi ah ula wareegay.

soo (1)

soo (8)soo (7)soo (6)soo (5)soo (4)soo (3)soo (2)