{DAAWO SAWIRADA} Gudoomiyaha gobolka Sh /dhexe oo maanta kormeeray xarumaha maamulka iyo xaafadaha Jowhar

0
350

Gudoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta kormeer ku maray xarumaha ay ku shaqeeyaan maamulka gobolka iyo kan degmada Jowhar iyo qaar kamid ah xaafadaha magaalada Jowhar.

Gudoomiye Cali C/laahi Xuseen ayaa waxaa ugu horeen kormeeray xafiiska Gudoomiyaha degmada Jowhar ,halkaas uu Warbixin kaga dhageystay gudoomiyaha degmada Jowhar iyo kuxigeenadiisa.

Waxa sidoo kale uu booqday Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhaxe saldhiga boliiska ee magaalada Jowhar, waxa uuna halkasai sidoo kale warbixin ka dhageystay taliyaha qeybta booliiska Gobolka Sh/dhexe Qaliif C/lle Carfaaye.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale kormeeray xarumaha ay ku shaqeeyaan maxkamadaha gobolka, degmada iyo racfaanka G/sh/dhexe iyagoo masuuliyiinta maxkamadaha ay usheegeen gudoomiyaha gobolka in shaqada sidii loogu talo galay ay usocoto.

Gudoomiye Guudlaawe iyo masuuliyiintii kale ee wehlineysay ayaa waxaa ay ukuurgaleen xaaladaha ganacsiga iyo nadaafada magaalada Jowhar waxaana ay kormeer ku soo sameeyeen afarta xaafadood oo ay ka koobantahay magaalada Jowhar.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa mudoomyinkii u danbeeyay waxa uu joogay magaalada muqdisho, isagoo wakiil uga ahaa shacabka gobolkaasi arimaha maamul usameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo lafilayo in dhawaantaan ay kafuranto gogosha maamul usameynta goboladaasi Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolada sh/dhexe.

Maamulka iyo shacabka shabeelaha dhexe ayaa diyaargaroow balaaran ugu jira marti gelinta Shirka maamulka loogu sameenayo Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe.