{DAAWO SAWIRADA} Guomiyaha Gobolka Hiiraan Oo Shegay In Aan Cabsi Laga Qabin Fatahaad u sameeyo wabiga Shabelle

0
411

Iyadoo dadka ku dhaqan qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Beledweyne maalmihii ugu danbeeyayba muujinayeen baqdin iyo shaki weyn oo ay ka qabaan fatahaad uu sameeyo wabiga shabeelle, ayaa hadda waxaa muuqaneysa in cabsidaa ay meesha ka baxday, kaddib markii uu hoos u dhacay xadiga biyaha wabiga.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, C/fataax Xassan Afrax oo ay wehliyaan xubno ka tirsan maamulka iyo saraakiil ciidan ayaa tagay meelaha baqdinta laga muujinayo in uu wabiga ka fataho, gaar ahaan waxaa uu la hadlay qaar ka mid ah dadka ku nool xaafadaha inta badan fatahaadu saameyta ku yeellato.

Cabdiftaax Xassan Afrax, ayaa sheegay in marka la eego cabirka biyaha wabiga xiligan jiri karin baqdin weyn oo laga qabi karo.

“Kormeerka wuxuu ku saabsanaa bal in aynu u ku kuur-galno wabiga shabeelle iyo heerka biyuhu gaarsiisan yihiin, waxaa hadda noo muuqaneysa inaysan jirin baqdin-weyn oo laga qabi karo in uu wabigu fatahaad sameeyo,” ayuu yiri Afrax.

Gabagabadii, guud ahaanba gobolka Hiiraan waxaa ka da’aya roobabka xilligaan deyrtay oo inta badan saameynta ugu weyn ku yeeshay socodka Wdbiga oo marka uu buux-dhaafo biyaha ku roga xaafadaha magaalada qaarkod, taasoo keentay xilli dambe in boqollaal qoys ay ka barakacaan guryihii ay ku noolaayeen.

Dahir Hussein Yusuf, Hiiraan Weyn

daahirshell3@gmail.com

Beledweyne, Somalia

WABIGA BALADWEYNE (1) WABIGA BALADWEYNE (2) WABIGA BALADWEYNE (3) WABIGA BALADWEYNE (4) WABIGA BALADWEYNE (5)