{DAAWO SAWIRADII UGU DANBEYEY } In ka badan 127-qof oo lagu dilay Weeraro kala duwan oo ka dhacay Magaalada Paris

0
205

Dalka Faransiiska ayaa xaalad deg deg ah lagu soo rogay kadib markii habeenkii xalay ahaa uu dalkaasi ka dhacay weeraradii iugu xumaa ee taariikhda dhaw soo mara, kadib markii Weeraro kala duwan lagu qaaday goobo kuyaala Magaalada Paris.

In ka badan 120-qof ayaa ku dhintay weerararo isugu jira ismiidaamin iyo kuwa toos ah oo xalay ka dhacay qeybo kamid ah Magaalada Paris, waxaa sidoo kale weeraradaasi ku dhaaacmay boqolaal qof oo qaarkood ay qabaan dhaawacyo halis ah.

Weeeradan ka dhacay Magaalada Paris oo ahaa kuwa aad isugu dhawaa ayaa kii ugu qasaaraha badnaa waxa uu ka dhacay Tiyaatarka Bataclan, xili ay kasocotay bandhig Muusik, waxaana halkaasi ku dhintay dad ka badan 100-qof tiro kale oo badana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray.

Waxaa sidoo kale Weeraro kale ka dhaceen banaanka hore ee garoonka kubada cagta ee Stade de France, halkaas ay kuwada ciyaraayeen xiligaasi Xulalka Faransiiska iyo Jarmalka, waxaana weerarkaasi sidoo kale ka dhashay qasaaro kala duwan.

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande , ayaa xiliga weeraradu dhacayeen waxa uu ku sugnaa garoonka kubada cagta ee Stade de France, waxa uuna daawanayay ciyaarta u dhaxeysay Faransiiska iyo Jarmalka, Madaxweynaha ayana si deg deg garoonka looga saaray.

Xaalad deg deg ah ayuu Madaxweynaha Faransiiska ku dhawaqay in uu dalka galiyay, waxaana Magalaada Paris iyo Magaalooyin kale oo dalkaasi kuyaala lagu soo daadiyay kumanaan askari oo amaanka xaqiijinaya.

Weerarada xalay ka dhacay Magaalada Paris oo isugu jiray kuwa is qarxin ah iyo Weeraro rasaas loo adeegsaday ayaa sidoo kale lagu qaaday baarar iyo goobo kale oo lagu caweeyo, waxaana laga yaabaa in qasaaraha inta hada la ogyahay ay kasii bataan.