{DAAWO SAWIRADA} Is rasaaseyn ay dad ku dhaawacmeen oo ka dhacay xadka Faransiiska iyo Belgium

0
281

Dhowr ruux ayaa ku dhaawacmay qaar kalana waa la afduubtay kadib markii ay israsaaseyn dhex martay labo ruux oo la sheegay inay burcad ahaayeen kuna hubeysnaa qoriga Ak-47 magaalada Roubaix ee dalka Faransiiska.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in nin maareeye ka ahaa bangi iyo qoyskiisa lagu afduubtay Roubaix oo ku taal xadka kala qeybiya labada dal ee Faransiiska iyo Belgium, waxana magaalada ay ku taal meel aan wax badan ka fogeyn caasimada dalka Belgium ee Brussels.

Sida ay Booliska sheegayaan dhacdadan ayaan xiriir la laheyn weerarkii lagu qaaday magaalada Paris. Boolis badan ayaa la geeyay goobta uu shilku ka dhacay.

Xafiiska duqa magaalada ayaa laga soo xigtey in dad lagu tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen burcadnimada ay dad hore u qafaasheen.

Waxaa la tuhunsan yahay in kooxdan burcada ah ay dadka ay afduubka u haystaan ay ku jiraan carruur.
Wadamada Belgiumka iyo Faransiiska ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay ku jireen xaalad deg-deg ah kadib markii weerar lagu qaaday magaalada Paris ay ku dhinteen dad gaaraya 130 ruux halka tiro kabadana ay ku dhaawacmeen.

dhac beljimka ah (1)

dhac beljimka ah (2)

dhac beljimka ah (3)

dhac beljimka ah (4)

dhac beljimka ah (6)

dhac beljimka ah (7)