{DAAWO SAWIRADA} Kulan Looga Hadlay Doorka Haweenka Ee Siyaasadda Dalka oo Muqdisho lagu Qabtay

0
396

Shir looga hadlay doorka haweenka Soomaaliyeed ee ka qayb-galka siyaasada dalka ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, kaasoo ay ka qayb-galeen wasiiradda haweenka iyo horumarinta xaquuqda aadanaha, wasiiradda caafimadka, xildhibaanno ka tirsan barlamaanka Somalia iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaa kulankan soo agaasimay baarlamaanka Midowga Yurub ee Afrika, iyadoo doodda inteeda badan ay ahayd in meel looga soo wada-jeesto sare u qaadida xuquuqda haweenka Somalia, si ay ugu qayb-qaataan siyaasadda iyo horumarka dalka, maadaama ay haweenku yihiin laf-dhabarka bulshada.

Madaxa wacyi-galinta baarlamaanka Midowga Yurub ee Somalia Farxiya Muumin Cali oo shirka ka hadashay ayaa xustay in dood-wadaagan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dumarka Soomaaliyeed, isla markaana ay muhiim tahay in la caddeeyo doorka kaga aadan dumarka Soomaaliyeed siyaasadda dalka.

Sidoo kale, Yuusuf Garaad Cumar iyo Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan [Yariisow] oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in haweenka la garab-is-taago, isla mar ahaantaana aan la dafirin xaquuqda ay dalka ku leeyihin.

Xildhibaannada haweenka ah ee baarlamanka Somalia ku jira oo iyaguna shirka hadallo ka jeediyay ayaa sheegay inaysan gorgortan geli karin xaquuqda haweenka ay ku leeyihiin siyaasadda dalka.

Wasiiradda caafimadka Somalia, Xaawa Xasan Maxamed oo shirka ka hadashay iyadana ayaa sheegtay in haweenka ay noqdaan kuwa ka madax-bannaan qabyaalada iyo kala qayb-sanaanta, si ay uga qayb-qaataan hanaanka siyaasadeed ee Somalia.

Wasiiradda haweenka iyo horumarinta xaquuqul aadanaha ee Soomaaliya, Sahra Maxamed Cali Samatar ayaa iyadana tilmaamtay in haweenka Soomaaliyeed ay heli karaan xuquuqdooda siyaasadeed, haddii hadafkoodu ay mideeyaan.

kulan 2 kulan 3 kulan 4 kulan 5 kulan kulan 1