{DAAWO SAWIRADA} Madaxwaynaha Jubbaland oo Qado sharaf u sameeyey Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Somalia

0
337

Madaxweynaha Maamulka jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa hoygiisa magaalada kismaayo wuxuu qado sharaf ugu sameeyey Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyedd S/G Maxamed Aaden Axmed, oo booqasho maalmahaanba ku joogay Jubbaland.

Taliyaha iyo saraakiil kale oo la socotay ayaa Madaxweynuhu uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen Jubbaland ,ku waasoo indhahooda ku soo arkay dhismaha ciidanka Xoogga dalka ee Kismaayo ka jira.


Madaxweynaha Jubbaland Axmed Islaam ayaa dhankiisa taliyaha ku bogaadiyey inuu sii laba jibaaro dadaalada uu wado ee uu rabo inuu ku horumariyo ciidanka Xoogga dalka .

Dhanka kale, Taliyaha ayaa la kulmay madaxda Rugta Ganacsiga Jubbaland ee JCCI, waxana ay Taliyaha iyo Ganacsatadu ka wada hadleen sidii labada dhimac iskaashigooda loo xoojin lahaa.