{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Galmudug oo maanta lagu wareejiyay Gadiid, hub iyo ciidan

0
205

Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Galmdug oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa maanta lagu wareejiyay gaadiid dagaal oo ka kooban 11, iyo maleeshiyaad,  kuwaasoo ay lahaayeen qaar ka mid ah beelaha dega gobolka Mudug.

Wareejinta gaadiidkan dagaalka ayaa ka dambeeysay wadahadallo madaxweyne Guuleed uu muddooyinkii u dambeeysay la lahaa beelahaasi, isagoo ugu dambeyn ku qAanciyay iney hubka ku wareejiyaan maamulka Galmudug.

Gaadiidka dagaalka ee maanta lagu wareejiyay maamulka ayaa ahaa ilaa iyo Kow iyo Toban Gaari oo kuwa dagaalka ah isla markaana isugu jiray kuwa waaweeyn oo ay ku rakibnaaayeen qoryaha lidka Diyaaradaha.

Madaxweyne Guuleed oo la hadlay waxgaradka beelihii iyagu gartay dowladnimada iyo in hubkii iyo ciidankiiba ay kusoo wareejiyaan Dowlad Gobaleedka Galmdug ayaa uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay u bilaabeen qorshahaan waxaana uu ka dhawaajiyay in hubka ay kusoo wareejiyeen maamulka uu noqon doono mid lagu difaaco Galmdug ciidamaduna laga dhigi doono kuwa dowladeed oo xaquuqdooda leh.

Ugu danbeeyna madaxweyne C/kariin ayaa ugu baaqay beelaha kale in ay ku daydaan kuwa haatan iyagu hubkooda iyo ciidankooda kusoo wareejiyay Gacanta Maamulka.

unnamed (1)unnamed (2)unnamed (3)unnamed (4)unnamed (5)unnamed (6)unnamed (7)unnamed (8)unnamed (9)unnamed (10)unnamed (11)unnamed