{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Somaliya oo ka qaybgalay Salaadii Janaasada Marxuum Dhaga badan

0
369
Masjidka Shuhadaa ee Madaxtooyada Somaliya, ayaa Salaada Janaasada lagula dukaday Marxuum C/kariin Yuusuf Aadan Dhaga badan oo shalay ku geeriyooday weerarkii Ururka Al Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa ka qaybgalay Salaada Janaasada, waxaa dhamaantood ka muuqatay sida ay kaga xun yihiin geerida Jeneraal Dhaga badan oo ahaa nin aad u shaqo badan.
Meydka Marxuumka ayaa loo qaaday Degmada Xeraale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud si halkaasi loogu aaso.
Abaanduulihii hore ee ciidamada Xooga dalka Somaliya, ayaa lagu xasuusan doonaa Dagaalkii adkaa ee Shabaab uu la galay iyo markii Shabaab laga saaraayay magaalada Muqdisho dagaaladii uu hogaaminaayay Dhaga badan.
Saraakiisha ciidamada Milateriga Somaliya ayaa si qiireysan uga tacsiyadeeyay geerida Generaal Dhaga badan.