{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Somaliya oo la kulmay dhigiisa dalka Uganda

0
203
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, iyadoo kulankan uu qaatay saacado, waxaana labada Madaxweyne ay ku falan-qeeyeen arrimo dhowr ah.

Madaxweynaha Somaliya iyo Madaxweynaha dalka Uganda ayaa kulankooda waxa ay uga hadleen arimaha ammaanka iyo sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada dal.
Waxyaabaha sida gaarka ah ay uga wada hadleen masuuliyiintaan ayaa ah dagaalka lagula jiro Ururka Shabaab iyo sidii loo kordhin lahaa, iyadoo ciidamada dalka Uganda ay hor ka yihiin howlgalka Amisom ee Somaliya.
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa dhinaciisa balan qaaday in dowladdiisa ay xoojineyso taageerada iyo xiriirka saaxibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya.