{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Gaas oo la kulmay gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland

0
198
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed ayaa aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku soo dhaweeyey gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo si dimuqraadiyad ah ugu guulaystay doorashada .

Madaxweynaha ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in doorashadii maanta ee Baaralamaanka ay u dhacdo si cad oo muuqata , islamarkaana ay tahay guul iyo horumar ay gaareen shacabka Puntland.

” Umadda Puntland meelkasta oo ay joogaan waxaa ay kaa rajeynayaan dadaal ,ka shaqeynta horumarka iyo midnimada Puntland, Golaha wakiilada waxaa ay ka rejyn in shaqadii loo idmaday sidii ay aheyd u gutaan ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas .

” Sidoo kale waxaan u hambalyeyn xildhibaanadii kale ee tartamay , xilkasnimo ayey muujiyeen , guushana dabcan mar hadii la tartamo qof ayaa ku guulaysta , xildhibaanadana waxaan u rajeyn kheyr ” Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u mahadceliyey gudoomiyihii hore ee Golaha wakiilada Puntland Siciid Xassan Shire , oo uu ku amaanay dadaalki shaqo ee uu soo qabtay mudadii uu xilka hayey.

” Doorashadii maanta ka dhacday Baarlamaanka waxaa ay muujinaysaa dimuqrasiyadda gaamurtay ee ay Puntland ku talaabsatay , bisaylka siyaasadeed ee ay gaareen sidoo kale shacabku ” Ayuu yiri Madaxweynuhu