{DAAWO SAWIRADA} Nin Falastiini ah oo Afar ruux hal meel kuwada dhaawacay xili ay ku sugnaayen…

0
203

Warbaahinta Falastiin ayaa baahisay in Muwaadin kooda ah uu dhaawacay afar qof oo Israeli ah, xilli ay dhex socdeen laami ku yaala Daanta Galbeed.

Ruuxaasi dhaawaca geystay ayaa la sheegay in waqti badan uu u gaarsanaayay Afartaasi ruux waxaana la tilmaamayaa in markii danbe uu sidaa ku dhaawacay.

Ninkaasi ayaa la sheegay inuu aad uga careysnaa Nabada ay Israeliyaanka ku dhex heystaan deegaanada Falastiin iyo sida loo gumaadaayo shacabkooda oo wadooyinka la waray meydadkooda.

Ciidamo Israel ah oo goobta ka ag dhawaa ayaa durbadiiba toogasho ku dilay ninkaasi, kaasoo meydkiisa kol dambe halkasi looga qaaday gaari ambulance ah

Tan iyo 1-dii bishii hore ee October, ayaa waxaa labada dhinac ka dhex jiray xiisad adag, oo sababtay dhimashada in ka badan 60 Falastiini iyo in ka badan 11 Israeli ah.