{DAAWO SAWIRADA} Odooyaasha Dhaqanka G/balka Hiiraan Oo Go.aan Kaso Saray Halka Lagu Qabanaayo Shirka Mamuul usameeynta hiiraan iyo sh/dhaxe.

0
170
DCIM101MEDIA

Kulankan beledweeyne manta ka dhacay  oo ay ka qeyb galeen odayasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa dowlada dhaxe ugu baaqayn in Gogasha shirka Maamul Goboleedka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe ay Muddo Todobo Bilood ka Fidsan tahay Magaalada Baladweyne islamarkana loo bahan yahay in laga soo qeyb galo.

Qar ka mid ah odayasha dhaqanka ee ka qeyb galay Kulanka ayaa sheegay in marnaba loo dulqaadan doonin in gogasha shirka Maamul u Sameynta Gobolka Hiiraan iyo shabeellaha dhexe la dhigo meel ka baxsan Magaalada Baladweyne.

Odayasha dhaqnaka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in aysan Go’aanka ka gaarista Aayaha Gobolka Hiiraan aysan Gacantooda ku jiran Siyaasiinta iyo Xildhibaannada ku sugan Magaalada Muqdisho islamarkana Talada ay ka Go’do, odyasha dhaqanka waxgarada dhalinyarada iyo Haweenka Reer Hiiraan ee ku sugan Gobolka iyago sheegay in hadii dowlada Federaalka ay Aayaha Gobolka Hiiraan ay kala Tashato dad ku sugan Muqdisho ay Tashan doonaan, dad reer Hiiraan ee k u sugan Gobolka.

Waxgaradka iyo odayasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa Madaxweynaha Soomaliya Xassan Sheekh Maxamuud ku eedeyay in uu ka baxay Go’aan ay horey u wada gareen oo ah in Gogasha shirka Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe lagu qaban doono Magalaada Baladweyne,

Ugu dambeyntii waxgaradka iyo Golaha dhaqanka Gobolka ee Maanta ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in Xildhibaannada iyo Wasiirada ka soo jeeda Gobolka in ay yimada Magaalada Baladweyne si looga tashado Aayaha Gobolka Hiiraan   iyago sheegay hadii ay imaan wayan Xildhibaannada iyo Wasiirka ka soo jeeda Gobolka ay qadaan doonaan Go’aan deg deg ah.

DCIM101MEDIA

DCIM101MEDIA

DCIM101MEDIA

DCIM101MEDIA

DCIM101MEDIA

DCIM101MEDIA