{DAAWO SAWIRADA} Qaabka ay Ciidamada Nabad Sugida usoo bad baadiyeen dadkii lagu heestay Hotelka Iyo Wasiirka Amniga Oo Ka hadlay

0
207

Ciidamada Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya ayaa ku guuleestay in ay soo bad baadiyaan qaar badan oo kamid ah dadkii ku xayirnaa hotelka Saxafi ay saakay Weerar kula wareegeen Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al-Shabaab.

Dadkii ku sugnaa Dhismaha Hotelka ayaa qaar badan oo kamid ah ay Ciidamada Nabad sugida waxa ay kasoo saareen dhismaha Hoteelka kadib markii ay jaran jarooyin u saareen qaar kamid ah Daaqadaha Hoteelka Saxafi.

Ciidamada Nabad Sugida gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan oo galay qeybo kamid ah Hotelka Saxafi xili dagala kasocdeen ayaa daaqadaha kasoo saaray Masuuliyiintii iyo dadkii kale ee ku xayirnaa dhismaha Hoteelka.

Wasiirka Amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay in Ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa Nabad Sugida ay ku guuleesteen in ay soo afjaraan howlgakii ay ku galeen Dhismaha Hotelka Saxafi ay qabsadeen xubno katirsan Al-Shabaab.

Waxa uu xusay Wasiirka in Hotelka ay weerarka kusoo qaadeen 5 ruux oo katirsan Al-Shabaab , islamarkaana dhammaantood la toogtay, haatanna la wado tirakoob ku aadan dadkii ku dhintay kuna dhaawacmay weerarkaasi.

Xaalada Hotelka Saxafi ayaa hada ah mid dagan , waxaana halkaasi wali ku sugan Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo baaritaano kawada, waxaana weerarka lagu qaaday Hotelka Saxafi ku dhintay dad ka badan 20-qof ay ku jiraan Masuuliyiin iyo Saraakiil ciidan.