{DAAWO SAWIRADA} Qasaaraha ka dhashay Weeraradii gil gilay Paris oo sii kordhay iyo xaalada oo kacsan

0
190

Waxaa sii kordhaya qasaaraha ka dhashay Weeraradii kala duawanaa ee xalay gil galay Magaalada Paris ee xarunta Dalka Paris ayaa sii kordhaya, waxaana wali dalkaasi ka jira jahwareer ka dhashay Weeraradaasi.

Inta laxaqiijiyay dhimashada Weerarkii ka dhacay Magaalada Paris ayaa hada kor u dhaaftay 140-qof, waxaana tirada ugu badan dadkaasi ay ku dhinteen weerarkii lagu qaaday goob tiyaatar ah ay kasocotay Bandhig heeso.

Dhaq dhaqaaqa Magaalada Paris ayaa maanta hakad ku jiraa, waxaana Magaaladaasi lagu daadiyay laguna arkayaa kumanaan askar ah oo baaritaano ku sameenaya dadka iyo gaadiidka isticmaalaya Magaaladaasi.

Weerarada xalay gil gilay Magaalada Paris ayaa ka dhacay lix meel oo kala duwan , waxaan agoobahasi qaarkood lagu weeraray qoryo halka meelaha qaarna lagu qaaday weeraro ismiidamain ah ay fuliyeen dad naftood hurayaal ah.

Madaxweynaha Dalka Faransiiska Francois Hollande, ayaa xaalad deg deg ah galiyay dalkiisa, waxa uuna ku amray ciidamada ilaalada xuduudaha in ay baaraan boorsooyinka iyo meelaha alaabhaa lagashto gaadiidka soo gaaya iyo kuwa ka baxa dalkaasi.

Jahwareer iyo casi badan ayaa ka jirta Dalka Faransiiska, waxaa sidoo kale cabsi laga dareemayaa qaar kamid ah Wadamada Yurub iyo Mareykanka oo iyana laga baqayo in ay ka dhacaan Weerarada Faransiiska gil gilay oo kale.