{DAAWO SAWIRADA} Qaxooti Xuduudaha Qaarada Yurub laga xirtay oo Afka si xun Cirbad iskaga tolay !!

0
308
AppleMark

Qaxooti ka soo jeeda dalalka Siiriya , Ciraaq iyo Iiraan ayaa waxaa la sheegay inay cuntada ka soomeen ka dibna si xun Afka cirbad iskaga toleen ka dib markii lagu celiyay xuduudaha dalalka Giriiga iyo Masdonia .

Qaar ka mid ah dalalka Yurub ayaa xirtay xuduudahooda ka dib Qaraxyadii lagu qaaday magaalada Paris ee caasimada dalka Faransiiska halkaasoo ragii Qarxiyay ay qaarkood ku soo galeen dalalka Yurub Qaxooti ahaan waliba ay soo dirsatay kooxda Daacish .

Dadka afka cirbada iskaga tolay ayaa waxeey u badan yihiin Qaxooti ka soo jeeda dalka Iiraan kuwaas oo sheegay in la dili doono hadii lagu celiyo wadanka Iiraan waxaana jira Qaxooti kale oo iyana afka Cirbad iskaga tolay kana soo haajiray wadamada Ciraaq iyo Siiriya .