{DAAWO SAWIRADA} R/wasaaraha Britain oo kulan aan caadi aheyn la qaatay Madaxweynaha Masar

0
188
Britain's Prime Minister David Cameron (L) meets Egypt's President Abdel Fattah al-Sisi outside of 10 Downing Street in London, Britain November 5, 2015. REUTERS/Stefan Wermuth

R/wasaaraha dalka Britain David Camiron ayaa qaabilay Madaxweynaha dalka Masar C/fitaax Al sisi.

David Camiron iyo Al sisi ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xiriirka labada dal, Siyaasada, amaanka, xariga Xusni mubarak iyo arrimo kale oo dhowr ah.

Al sisi ayaa Mr David Camiron sharaxaad ka siiyay Siyaasadaha hoose ee ka dhexeeya Dowlada iyo Kooxaha mucaaradka, waxa uuna mahad celin u jeediyay Dowlada Britain oo uu sheegay inay garab istaagto nabada Masar.

Madaxweyne el-Sissi waxa uu si adag kaga horyimid in go’aan laga gaaro arrinta la xiriirta shilka diyaaradda, illaa iyo inta laga soo gaba gabeenaayo baaritaanada, ay iska kaashanayan Saraakiisha Ruushka iyo Masar.