{DAAWO SAWIRADA}Shir la xiriira Horumarinta Caafimaadka Haweenka iyo Caruurta oo lagu qabtay Mareykanka

0
225

Shir caalami ah oo ku saabsanaa horumarinta caafimaadka dumarka iyo carruurta Soomaaliyeed ayaa shalay ka dhacay Jaamacadda Minnesota, waxaana ka soo qeybgalay wakiillo uu ka mid ahaa Congressman Keith Ellison,  khuburo caafimaad oo ka socday Qaramada Midoobay, dhaqaatiir, cilmi-baareyaal ka tirsan jaamacadaha Mareykanka, qoraayaal iyo xubnaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaaladda Minneapolis.

Shirkan waxaan soo qaban-qaabiyay Ururka ISUROON ee u ololeeya arrimaha caafimaadka iyo bad-qabka  dumarka, waxaana Fartuun Wehliye oo ah madaxa rururkaas ay sheegtay inay jiraan haween badan oo Soomaaliyeed oo ay dhibaato ka soo gaarto inta u dhexeysa xilliyada uurka ilaa dhalmada, waxayna sheegtay qaarkood ay isku geeriyoodaan.

Fartuun ayaa sheegtay inay qorsheynayaan in maadaama ay jirto baahi caafimaad oo xoog leh ay inay furi doonaan xarumo waaweyn oo caafimaad oo qalabkoodu u dhameystiran, ayna tababaraan ilaa 7,000 oo shaqaale caafimaa ah oo ay ugu horeeyaan umulisooyin xirfadooda ku shaqeysta.

Congressman Keith Ellison oo ah wakiil laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa hey’adda Isuroon uga mahadceliyay dadaalkeeda ku aadan horumarinta caafimaadka haweenka iyo caruurta.

Prof. Tawara Goode oo ka socotay Jaamacadda Georgetown University iyo Eric Schwart oo ah hormuudka machadka Humphrey ee jaamacadda Minnesota ayaa iguna ka hadlay shirkan.

Dr. Achu Lordfred oo ka socday hey’adda UNFPA ee Qaramda Midoobay, Dr, Kolawole Okuyemi oo ka tirsan Jaamacadda Minnesota, Xamse Warfaa oo ah qoraa Soomaaliyeed, Abdrizak Farah oo ka socday  DHS-CRCl , Sandra Pappas oo ka tirsan golaha deegaanka Minnesota iyo khuburo kale ayaa iyaguna ka hadlay shirkaas oo ahaa mid hal maalin ah.

Ugu dambeyn, xubnihii ka socday jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota oo shirkaas ka soo qeyb galay ayaa sheegay inay ku kalsoonyihiin dadaalka hey’adda Isuroon, waxayana sheegeen inay ku garabsiinayaan horumarinta iyo bad-baadada dumarka iyo dhallaanka Soomaaliyeed.

thumbnail

thumbnail

thumbnail

thumbnail

thumbnail