{DAAWO SAWIRADA} Shirarkii wada tashiga doorashada 2016-ka ee ka socday Puntland oo la soo gabagabeeyey

0
191

Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland ee Soomaaliyeed Cabdixakiin Cabdilaahi Camey ayaa soo xiray wadatashigii labada maalmood qaatay ee looga arrin sanayay sida ay noqon korto doorashada soo socota ee 2016.

Xiritaanka wadatashiga waxaa goobjoog ahaa wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaliya Cabdiraxmaan Odawaa,xubno ka socday wasiiradda Puntland iyo marti sharaf kale.

Ka qayb galayaashii wadatashiga oo afar kooxood uga doodayay afar qodob oo shirka ku saabsanaa ayaa goobta kosoo bandhigay qodob kasta siday u arkayeen, kuwaasoo cadeeyay inaysan muhiim ahayn in dib loogu laabto nidaamii 4.5 oo ay ku dhisan tahay dowladda hadda jirtaa ee Xasan Shiikh Maxamuud.

Wasiirka arrimaha gudaha mudane Cabdiraxmaan Odawaa oo munaasibadda xiritaanka hadal ka jeediyay wuxuu balan qaaday aratida shacabka ee barnaamijkan la xariira inuu ku hagaajinayo halkii loogu talo galay, waxa kale uu ka mahad celiyay qaabka wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay magalo madaxda Garowe.

Wasiirka shaqada iyo shaqalaha Puntland Axmed Cabdiraxmaan ayaa sheegay shirarka wadatashiga in lasoo dhawada dhammeeyay ayna hal mar aragtida dadka ka qayb galay loo gudbinayo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida wanaagsan ee rayidku ugu hadleen habka loo wajahayo doorashada Soomaaliya, sidoo kale waxa uu cadeeyay in dowladda ay ka madax banaan tahay aragtida shacabka oo ay dareenkoodu ku jirin.

Shirarka wadatashiga doorashada Soomaaliya oo ka wada socday inta badan magalooyinka waa wayn ee dalka ayaa si wadajir ah udoo dhammaaday, waxana natijada la soo bandhiga bisha December ee soo socota.

Sawirro.

IMG_5298 IMG_5496 IMG_5515IMG_5536IMG_5539 IMG_5564 IMG_5567 IMG_5583 IMG_5657IMG_5663IMG_5667IMG_5710IMG_5736IMG_5756IMG_5765IMG_55791IMG_55941IMG_57231IMG_57601