{DAAWO SAWIRADA} Wasaarada Gaadiidka Oo Xafiis Ka Furatay Magalada Baledweyne

0
356
DCIM101MEDIA

Wasarada Gadiidka iyo duulista Hawada ayaa Xafiis ka furatay Gobolka Hiiraan kadib Munaasabada Maanta lagu qabtay Xaruunta Maamulka Gobolka. ee Magaalada Baladweyne

Munaasabada lagu Daah furayay Xafiiska wasarada Gadiidka iyo Duulista Hawada ka furatay Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka qeyb galay Guudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdifatax Xassan Afrax, Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Baladweyne, Cali dhuux Cabdi Mahad Alle, Taliyaha ilaalada wadooyinka Gobolka Hiiraan, iyo wakiilada wasarada Gadiidka iyo Duulista Hawada ee Gobol.

Isku duwaha Wasarada Gadiidka iyo Duulista Hawada ee Gobolka Hiiraan Maxamed Carab Xuseen, ayaa sheegay in maanta laga bilaabo Gadiidleyda Gobolka Hiiraan ay dhamaan ka heli doonaan Xafiiskan wax yabaha ay ugu bahan yihiin Wasarada Gadiidka iyo Duulista Hawada Xukumadda Soomaliya,

Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Baladweyne, Cali dhuux Cabdi mahad Alle, ayaa soo dhaweyay Xafiiskan Cusub ee Wasarada Gadiidka iyo duulista Hawada ay ka furatay Gobolka Hiiraan islamarkana ay la shaqeyn doonaan hadey yihiin Ciidanka Booliska Gobolka Hiiraan,

Ugu dambeyntii Guudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdifataax Xassan Afrax, ayaa sheegay in Gadiidleyda Gobolka looga bahan yahay in ay la shaqeyn Xafiiskan Cusub ee Wasarada Gadiidka iyo duulista Hawada Maanta ka furatay Magaalada Baladweyne,

furitanka Xafiiska wasarada Gadiidka Baladweyne,Hiiraanxog (10)furitanka Xafiiska wasarada Gadiidka Baladweyne,Hiiraanxog (8)furitanka Xafiiska wasarada Gadiidka Baladweyne,Hiiraanxog (7)furitanka Xafiiska wasarada Gadiidka Baladweyne,Hiiraanxog (6)furitanka Xafiiska wasarada Gadiidka Baladweyne,Hiiraanxog (3)furitanka Xafiiska wasarada Gadiidka Baladweyne,Hiiraanxog (1)furitanka Xafiiska wasarada Gadiidka Baladweyne,Hiiraanxog (5)furitanka Xafiiska wasarada Gadiidka Baladweyne,Hiiraanxog (2) furitanka Xafiiska wasarada Gadiidka Baladweyne,Hiiraanxog (4)