{DAAWO SAWIRADA} Wasaradda Caafimaadka Puntland oo Tababar ku saabsan Tallaalka Jadeecada Garowe ka furtay

0
188

Wasaradda Caafimaadka maamul goboleydka Soomaaliyeed ee Puntland   ayaa maanta Tababar magalada Garowe ugu furtay shaqalaha xarumaha caafimaad 47-degmo ee Puntland, kuwaasoo tiradooda ay ka badnayn boqol qof.

Tababarkan oo soconaya mudo saddex cisho ah, ayaa wasaradda Caafimaadka shaqalahan ku tababaraysa sidii dadka ku nool Puntland loo bari lahaa ka hortaga cudurka Jadeecada oo kiis ka mid ah dhowaan lagu arkay Gobalka Gardufuu ee Puntland.

Dr.Cabdirisaaq Abshir Xirsi Agaasimaha waaxda caafimaadka aasasiga ah ee wasaradda Caafimadka ayaa sheegay wasaraddu inay dadaal ugu jirto sidii looga hortagi lahaa cudurada faafa, waxa uu si gaar ah u sheegay in carruurta ka yar sagaalka bilood ilaa sagaalka sano laga tallaalayo cudurka Jadeecada, kaasoo adduunku isla qaatay in cudurkaasi la xakameeyo.

Dhinaca kale Agaasime Cabdirisaaq Garwayne ayaa waalidiinta ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan tallaalkan oo muhiim ah u carruurta yar yar,wuxuna sheegay Olalahan inuu yahay mid ku kooban oo kaliya Jadeecadda.

Wasiiru dowlaha Caafimaadka Cabdilaahi Jaamac Cali oo tababarkan furay ayaa sheegay inay muhiimad gaar ah u lee dahay tallaalka carruurta soo koraya, sidaasi darteedna looga baahan yahay carruurta inay cudurkaasi ka tallaalaan.
Hoos ka dhagayso codka Cabdirisaaq Garwayne oo ka hadlaya tababarkan iyo waxa uu diiradda saarayo.

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19