{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Warfaafinta oo dalka dib ugu soo laabtay kaddib booqaasho uu ku tagay dalka Jabuuti

0
180
Wasiirka warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Mudane Max’ed Cabdi Xayir Maareeye oo maalmihii u danbeeyay howlo shaqo u joogay dalka Jabuuti ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Wasiir Maareeye ayaa Garoonka Adan Cade waxaa ku soo dhaweeyyay Xubno ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta sida Agaasimaha Radiyo Muqdisho,Agaasimaha Dalxiiska,Agaasimaha Marketing, Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyada,iyo mas’uuliyiin kale.

Soo dhaweyn ka dib Wasiirka Warfaafinta Dowlada Soomaaliye Max’ed Cabdi Xayir Maareeye oo kula hadlay gudaha Garoonka ayaa sharaxaad ka bixiyay safarkiisa uu ku tagay dalka Jabuuti iyo waxyaabihii uu ku qotomay.

Wuxuu sheegay intii ku sugnaa dalka Jabuuti uu la kulmay madax kala duwan oo ka tirsan Dowlada dalkaasi,isagoo kala hadlay xaalada Soomaaliya iyo xiriirka wanaagsan ee Labada Dowladood ka dhaxeeya.

Dowlada Jabuuti ayaa ka mid ah Dowladaha deriska ee Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya kuwaasi oo dagaal kula jira ururka Al-shabaab,waxayna Soomaaliya kaga sugan yihiin magaalada Baladweyne oo xarun u ah Gobolka Hiiraan.